Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan ka tirsan NISA oo rasaas ku furay xildhibaano kusii jeeday guriga Sheekh Shariif

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari uu leeyahay Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ahaa mudanayaashii hore ee Aqalka Sare ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Gaariga la xabadeeyay ayaa waxaa saarnaa labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka cusub, kuwaasi oo kusii jeeday hoyga Sheekh Shariif Sh. Axmed ee agagaarka garoonka diyaaradaha.

Ilyaas oo Caasimada Online la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inuu magac dhabo xildhibaanada saarnaa gaarigiisa, hase ahaatee wuxuu qiray in ciidamo ka tirsan NISA oo fadhiisin ku leh agagaarka Hotel Jazeera ay gaarigiisa ku fureen qori nooca Dhashiikaha ah.

Balse xildhibaanadii saarnaa iyo ilaaladii la socotayba aanan waxba soo gaarin, wuxuuna sheegay Ilyaas in gaariga uu ahaa nooca aan xabadaha karin, balse rasaastii lagu soo riday ay burburisay daaqadaha gaariga oo ahaa Qooqan.

Lama oga in falkaani uu ku dhacay si kedis ah ama mid ku talagal ah iyo in gaariga uu raaci waayay tilmaamaha ciidamada bartaasi kontorool ku sugnaa, toona.

Caawa waxaa aaga garoonka diyaaradaha iyo xaafadaha ku dhow laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan, maadaama askar ka tirsan NISA ay maqribkii gudaha hotelka ay ka socotay dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

Kooxdii NISA ee weerartay guddoomiye Dhabancad iyo xildhibaanadii uu dhaartooda ka qeyb galay ayaa rasaas ka dhex riday Hotelka, wuxuu guddoomiye Dhabancad weerarkaas ku tilmaamay shirqool loo dhigay isaga iyo xildhibaanadii dhaaranayay.

The post Ciidan ka tirsan NISA oo rasaas ku furay xildhibaano kusii jeeday guriga Sheekh Shariif appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this