Deeq A. Posted April 25, 2022 Maaalinta barri oo taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bisha April 2022-ka ayaa waxaa lagu wadaa in doorashada guddoonka aqalka sare ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee aagga Xalane, waxaana la dooran doonaa kursiga guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa koowaad iyo labaad, waxaana u sharraxana guddoonka 12 musharrax. Baarlamaanka labadiisa gole oo wadajir u kulmay ayaa 14-kii bisha iska dhex xulay laba guddi doorasha, kuwaas oo qabanqaabiya doorashada guddoonka golaha shacabka iyo aqalka sare oo Muqdisho kawada dhici doona 26-ka bisha iyo 27-ka bisha Apriil 2022-ka,doorashada ayuu dhigay guddigu Afisyooni sababo dhowr ah sida uu xusay. Golaha aqalka sare ayaa musharraxiinta u taagan guddoomiyaha iyo ku-xigeennada waxaa uu dhagaystay hadal-jeedintooda 23-kii bisha, waxaana guddoomiyaha u taagan ilaa 3 musharrax, halka ku-xigeenka koowaad ku tartamayaan 2 musharrax iyo ku-xigeenka labaad oo ay ku loolamayaan ilaa 7 musharrax oo ku loolami doona. Magacyada Musharraxiinta guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka. 1- Senator Saalax Axmed Jaamax musharrax guddoomiye 2- Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi musharrax guddoomiye. 3- Senator Cismaan Abuukar Dubbe musharrax guddoomiye. Magacyada Musharraxiinta guddoomiye ku-xigeenka 1-aad. 1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad. 2- Senator Cali Shacbaan Ibraahim musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad. Magacyada Musharraxiinta guddoomiye ku-xigeenka 2-aad. 1- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad 2- Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim Xaabsade musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad. 3-Senator Cabdi Cismaan Xareed musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad 4- Senator Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade, musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad. 5- Senator Sareedo Maxamed Jayte musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad 6- Senator Ilyaas Bedel Gaboose musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad. 7-Senator Xasan Xuseen Xaaji Xasan Xuseen Xaaji. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites