Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo La Kulmay Safiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Ambassador Lizzia Walker

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu Xafiiska ku qaabilay Safiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland, Ambassador Lizzia Walker oo ay wehelinayeen xubno ka socdey Xafiiska Safiirka ee  Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka  Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa safiirka ugu xog-waramay xaalada guud ee amniga Jamhuuriyadda Somaliland iyo halka uu  marayo  gurmadkii Suuqa Waaheen ee dhowaan ku gubtey dabkii ka kacay Suuqa Waaheen.

Wasiirka aya safiirka gudoonsiiyey hadiyado kala duwan oo ku saabsan hidda iyo dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo astaamo kale oo ay ku xardhanyihiin Calanka Somaliland, iyada oo Safiiirku si wayn ugu mahadnaqday Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.

Kulankan waxaa Wasiirka kala qayb galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Agaasimaha Guud ee dhinaca Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha Ibraahim Cali Ismaaciil iyo Lataliyaha Wasiirka ee dhinaca Hay’adda Siciid Yusuf Cabdi Siciid.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this