Deeq A. Posted April 25, 2022 Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug u magacaabay Faysal Shiikh Cali Maxamed. Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Karaasha ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku yiri “Waxaan Guddoomiyaha gobolka Mudug u Magacaabay Mudane Faysal Shiikh Cali Maxamed”. Magacaabista Axmed Karaash ayaa lagu baahin warbaahinta madaxtooyada, waxayna ku soo aaday xili uu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-geenka Puntland. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites