Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar ka mida dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa Taariikhda Islaamka ee dhacay bisha Ramadaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mida dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa Taariikhda Islaamka ee dhacay bisha Ramadaan

14 ka mid ah saxaabadii Nabiga NNKH waxaa lagu dilay dagaalkii Badar
14 ka mid ah saxaabadii Nabiga NNKH waxaa lagu dilay dagaalkii Badar

Waxaa lagu jiraa 10-kii dambe ee Ramadaanka oo ay Muslimiinta caalamka aad u cibaadeystaan, Ramadaanku waa bil barakeysan, waana bil muhiim u ah taariikhda Islaamka.

Marka laga soo tago in ay tahay bil cibaado, waxaa jira dhacdooyin badan oo taariikhi ah oo dhacay bisha Ramadaan oo ah bisha sagaalaad ee taariikhda Islaamka.

Sheekh Muxamed Mashhuud oo ka mid ah culimada Islaamka ayaa BBC-da uga waramay dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee bisha barakeysan ee Ramadaan, inkastoo ay jiraan dhacdooyin badan oo taariikhi ah oo dhacay bishan barakeysan.

Soo dajinta Qur’aanka Kariimka ah

Waa dhacdadii ugu muhiimsanayd ee dhacday bisha Ramadaan ee Muslimiinta soo martay waxaa Qur’aanka kariimka ah la soodejiyay Nebi Muxamed NNKH iyadoo loo soo dhiibay Jibriil CS.

Soo dajinta qur’aanka kariimka ah waxa ay ku soo beegantay mid ka mid ah habeenada loo yaqaan habeenka barakaysan ee bisha Ramadaan ee laylatul Qadr kaas oo ka qiimo badan yahay kun bilood.

Dagaalkii Badar

Dagaalkii Badar waxa uu dhacay 17-kii Ramadaan, laba sano kadib markii uu Nebigu Maka ka haajiray una hijrooday Madiina. Muslimiinta ayaa ku guulaystay dagaalkaas, inkastoo cadawgu aad uga badnaa.

Waxaa maalintaas shahiiday afar iyo toban ka mid ah saxaabadii nebi Muxamed NNKH. Waxaa sidoo kale dagaalkaas lagu dilay Abuu Jahal oo ka mid ahaa cadawgii Rasuulka.

Qabsashadii Makkah

Sideed sano ka dib hijriyada (nabigu ka hijrooday Makka una hijrooday Madiina) oo ku beegnayd 18-kii Ramadaan nabigu wuxuu galay Makka isaga iyo ciidankiisii ​​si ay u qabsadaan magaalada, inkastoo uusan dagaal dhicin.

Qabsashada magaalada ayaa soo afjartay sanamadii lagu caabudayay Maka waxayna ka mid noqotay xilliyadii ugu muhiimsanaa taariikhda Islaamka oo dad badan ayaa soo islaamay guusha kadib.

 

 

Geeridii xaaskii koobaad ee Nebiga Khadiija RA

Waa qabriga xaaskii koobaad ee Nebiga Khadiija RA
Waa qabriga xaaskii koobaad ee Nebiga Khadiija RA

Khadiija RA waxay geeriyootay 10-kii Ramadaan. Waxay ahayd xaaskii ugu horreysay ee Nebi Muxamed NNKH, iyo qofkii ugu horreeyay ee qaata diinta Islaamka. Khadiija waxay ahayd qof si weyn u taageersan diinta Islaamka.

Geeridii Caa’isha RC

Sannadkii 58-aad ee Hijriyada waxaa geeriyootay Nana Caa’isha RA oo ahayd xaaskii Rasuulka. Marwo Caa’isha waxay geeriyootay 17-kii Ramadaan.

Waxa uu ahaa xidhiidhiye muhiim u ah Islaamka. Culumada qaarkood waxay yiraahdeen rubac ka mid ah manhajka diinta Islaamka waxaa werisay Nana Caa’isha RC.

Dagaalkii Tabuuk

Dagaalka Taabuuk waa mid kamid ah dhacdooyinka ugu muhiimsan taariikhda Islaamka ee bisha Ramadaan.

Nebi Muxamed NNKH wuxuu Yaman, u diray Cali Radiyallahu Canhu oo uu taliye ciidan ka dhigay. Dad badan ayaa soo Islaamay oo kordhiyey tirada Muslimiinta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this