Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo hawadiisa ka xirtay diyaaradaha Ruushka ee u socda Syria

Recommended Posts

Deeq A.   

04f30000-0aff-0242-7503-08da233172a6_w10

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Turkiga oo soo xiganaysa wasiirka arrimaha debedda Mevlut Cavusoglu ayaa baahisay in dalka Turkigu uu hawadiisa ka xirtay diyaaradaha rayidka iyo kuwa militariga ee laga leeyahay dalka Ruushka ee u socda dalka Syria.

Hadalkan ka soo baxay dalka Turkiga ayaa noqonaya mid ka mida tallaabooyinkii ugu xoogganaa ee uu illaa hadda dalka Turkigu ka qaado Ruushka, xilli uu bishii labaad marayo duullaanka Ruushka ee dalka Ukraine. Turkiga ayaa loo arkaa inuu xidhiidh dhow la leeyahay Moscow, inkasta oo dalkani xubin ka yahay isbahaysiga NATO.

Cavusoglu ayaa sheegay inuu go’aankan u gudbiyay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, halka [Sergey Lavrov] uu u sii gudbiyay madaxweyne Vladimir Putin.

Illaa hadda ma jirto wax jawaab ah oo dalka Ruushku uu ka bixiyey go’aanka ka soo baxay dalka Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo hawadiisa ka xirtay diyaaradaha Ruushka ee u socda Syria appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this