Deeq A. Posted April 25, 2022 Qoraal ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa lagu sheegay in bandow socon doona mudda dhawr cisha ah lagu soo rogay xarunta Xalane iyo guud ahaan garoonka diyaaradaha Aadan magaalada Muqdisho. Qoraal ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 25 ilaa 28 bishan April aynu ku jirno ay xaalad bandow ay ku soo rugeen xeyndaabka garoonka Aadan Cadde. Bandowgan ayaa saameyn doona dhammaan goobaha ay degan yihiin ATMIS, xarumaha UN-ka iyo dhammaan safaardaha degan gudaha garoonka dayuuradaha. Bandowgan ay ATMIS ku dhawaaqday ayaa waxaa ay ku soo beegantay qabashada doorashada Guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyay in ay ka dhacdo teendhada Afisiyooni. PUNTLAND POST The post Hawlgalka ATMIS oo bandow ku soo rogay xarunta Xalane appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites