Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Baarlamanka Soomaaliya ku shiraan ee Villa Hargeysa oo amni-darro looga cararay

Recommended Posts

Deeq A.   
Baarlamanka-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shaki weyn laga qabo xaalad amni-darro oo ka jirta Xarunta ay ku shiraan Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Doorashada Guddoonka Aqalka Hoose ee Baarlamanka ayaa laga wareejiyay Xarunta Villa Hargeysa waxaana loo raray Teendhada Aviazione oo ku taalla xaydaanbka Xarunta Xalane.

Xildhibaannada Baarlamanka qaarkood ayaa laga soo xigtay in ay cabsi xooggan ka qabaan xaaladda amni-xumo ee ka jirta xarunta Villa Hargeysa halkaas oo dhowaan madaafiic agu weeraray xilli Baarlamanka shir uga socday.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa la qorsheeyay in ay qabsoonto Arbacada Todobaadkan oo ku beegan 27 April 2022 sida ku cad Jadwalka Doorashada.

PUNTLAND POST

The post Xarunta Baarlamanka Soomaaliya ku shiraan ee Villa Hargeysa oo amni-darro looga cararay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this