Deeq A. Posted April 24, 2022 Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Shiikh Maxamuud oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siciid Deni uu kulan la yeeshay Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Kulanka waxa goob-joog ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland. Lama sheegin dhinacyadu waxay ka wada-hadleen xilli lagu jiro ololaha doorashooyinka Soomaaliya islamarkaana Siciid Deni u sharraxanyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Deni oo la kulmay Rooble iyo Xasan Shiikh Maxamuud appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites