Deeq A. Posted April 24, 2022 Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magacaabay guddi baaris ku sameeya dhacdadii dhowaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo. Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban lix xubnood. Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas oo ay ku jiraan xil. Axmed Jaamac Cabdulle iyo xil. Cabdiweli Yuusuf Warsame Ku-simaha Taliyaha Booliiska ahna Taliye ku xigeenka S/Guuto Caydiid Axmed Nuur iyo Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Aadan Cali Maxamuud ayaa sidoo kale kamid ah guddiga. PUNTLAND POST The post Puntland oo guddi baaris u magacowday dhacdadii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites