Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa dhexmaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Agaasinka Warbaahinta dowladda?

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweyne-ku-xigeen.jpg?resize=960%2C64

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda.

Intaas kadib Kulan gaar ah ayuu la yeeshay Agaasinka Warbaahinta dowladda oo uu kala hadlay arrima la xiriira baahinta wararka xafiisyada kala duwan ee dowladda Puntland.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Axmed Karaash uu Agaasinka warbaahinta dowladda su’aalo ka weydiiyay sababta loo baahin waayay wararkii u danbeeyay ee Xafiiskiisa ka soo baxay.

Agaasinka ayaa sida la xaqiijjiyay ka cudur-daartay arrintaas islamarkaana caddeeyay in warbaahinta dowladda ay u siman yihiin mas’uuliyiinta dowladdu oo aysan jirin cid gaar loogu adeego.

Maamulka warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegay in aysan marna kala xigsan doonin xafiisyada iyo madaxda Puntland.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in mas’uuliyiinta  Warbaahinta dowladdu ay aqbaleen in ay baahiyaan war kasta oo uu soo saaro Madaxweyne ku xigeenka.

PUNTLAND POST

The post Maxaa dhexmaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Agaasinka Warbaahinta dowladda? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this