Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Itoobiya Ee Ka Soo Jeeda Qowmiyadda Tigreega Oo Magangelyo Siyaasadeed Weydiistay Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-In ka badan 500 oo ka mid ah ciidamada Itoobiya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ee ka mid ah ciidammada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa diiday inay dalkooda dib ugu laabtaan, iyagoo u baqay ammaankooda, waxayna codsanayaan magangelyo siyaasadeed oo Suudaan laga siiyo.

Ilaa sannadkii hore, ciidamada Itoobiya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ku dhawaad 4,000 oo ciidan ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee Abyei (UNISFA), oo ah gobolka lagu muransan yahay ee xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Ciidammada Itoobiya ayaa lagu bedelay ciidamo caalami ah, iyadoo xiriirka Addis Ababa iyo Khartoum uu sii xumaanayo, kaasoo salka ku haya muran dhuleed iyo biyo xidheenka weyn ee Itoobiya ay ka waddo webiga Nile, kaasoo Suudaan ay ka cabsi qabto inuu khatar ku noqdo helitaanka biyaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this