Deeq A. Posted April 24, 2022 Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay ka dhacdo doorashada kursi kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle. Qabanqabaada doorashada kursiga HOP#009, ayaa ka socoto magaalada Jowhar kaas oo saacadaha soo socda ee maanta magaalada lagu dooranayo. Kursigaan ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah Cabdisataar Cabdisalaan Sheikh Xasan Barsane iyo Cali Xasan Ibraahim. Waxaa baarlamaankii 10-aad kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Cabdisataar Cabdisalaan Sheikh Xasan Barsane, kaas oo haddana loo badinayo in uu dib ugu soo laaban doonno. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites