Deeq A. Posted April 24, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo dhameystirka doorashooyinka dalka. Deni ayaa la shiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxames Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo iska xog wareystay xaaladaha soo kordhay iyo caqabadaha weli ka taagan dhameystirka doorashada 2022-ka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid ay dibad joog ka tahay saxaafadda, waxaana qoraal kooban oo ay soo saartay madaxtooyada Puntland ku shaacisay kulanka mas’uuliyiintaan, kaas oo qayb ka noqonayo ololihiisa doorashada madaxweynaha ee Deni. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa bilaabay inuu la shiro xildhibaanada Golaha Shacabka, si uu uga gado damiicsa siyaasadeed ee hoggaanka Villa Soomaaliya. Xubnaha uu la shiray ayaa waxaa ka mid ah Mahad Salaad oo ka tirsan mucaaradka, isla-markaana ka mid ah xisbiga UDP ee madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud. Saciid Deni ayaa dhowaan usoo wareegay Muqdisho, si uu dardar geliyo ololihiisa doorashada, maadaama la guda-galayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya. S i kastaba, hoggaamiyaha Puntland ayaa waxaa loolan xoogan uu kala dhexeeya Farmaajo oo ay marar badan hadallo kul kulul ay isku mariyeen warbaahinta gudaha. The post Sawirro: DENI oo kulamo xasaasi ah ka wada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites