Deeq A. Posted April 23, 2022 Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa maalin barri waxaa ay leeyihiin kulan ka tirsan u diyaargarowga dooorashada guddoonka golaha shacabaka, iyad oo qaban qaabadiisa gabagabo ay marayso. AJandaha kulanka ayaa ah 1. Hadal jeedinta murashaxiinta u tartamaya Xafiiska Guddoomiye Xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Shacabka. Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo. Maanta ayaa waxaa golaha ka hor hadlay sedex musharrax oo u taagan guddoomiyaha golaha shacabka, kuwaas oo kala ah, 1- Murashax guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Sheikh Aadan Maxamed Nur Madoobe. 2- Murashax guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla. 3-Murashax guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiq C/laahi Cabdi Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites