Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Bayle oo Mareykanka Uga Qeyb Galay Shir Looga Hadlayay Hormarinta iyo Iskaashiga Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo safar shaqo ku jooga wadanka Mareykanka ayaa ka qeyb galay Shirka Iskaashiga waddamada ku yaalla Geeska Afrika, kaas oo ay isugu yimaadeen wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika, iyadoo  diiradda lagu saaray dhowr arrin oo muhiim ah.
Wasiirka ayaa sheegay in wasiirradu ay ku kulmeen  gudaha dalka  Mareykanka “Waxa aan ka qeyb galay Shirka Iskaashiga wadamada Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) oo ah heerka Wasiirada Maaliyadda, kaa soo lagu qabtay Magaalada WashingtonDC” ayuu ku yiri qoraal uu soo galiyey baraha bulshada wasiir maaliyadda XFS.
Wasiirka Bayle ayaa sheegay in shirkaan uu muhiimad gaar ah u lahaa Soomaaliya, waxaana badanaa diiradda lagu saaray Iskaashiga iyo maalgalinta “Waxaan diiradda saarnay wada shaqeynta iyo Iskaashiga iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo Maalgalinta dhammaan dalalka Geeska Afrika”ayuu ku yiri gabgabadii qoraalkiisa.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this