Sign in to follow this  
Deeq A.

Rwanda Oo shaacisay inay Ingiriiska la saxeexatay heshiis ah in xeryo xaqooti ay ku hayso dadka Ingiriisku u diido in uu magangelyo siiyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Rwanda ayaa shaaca ka qaadday in ay dalka Ingiriiska la saxeexatay heshiis malaayiin doolar ay ku helayso oo dhigaya, in xeryo xaqooti ay ku hayso dadka magangelyo doonka ah ee Ingiriisku u diido in uu magangelyo siiyo.

Andrew Griffiths oo ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda Ingiriiska ayaa sheegay, in heshiiska Ruwanda la fulin doono muddo toddobaaddo ama bilo yar gudahood ah. Waxa aana lagu fulin doonaa qof kasta oo Ingiriiska sifo sharcidarro ah ku soo galay,  intii sannadkan cusub ee 2022 bilowday, waxa aanay Bilowga hore si gaar ah ugu sii koobnaan doontaa dadka aan xaasleyda ahayn.

Raysalwasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo heshiiskan ka hadlay ayaa sheegay in uu dalka Ingiriisku dhaqagelintiisa ku bixinayo lacag ka badan 154 milyan oo doolar, si loo badbaadiyo nolosha dad aan la soo koobi karayn oo sannad kasta dhibbane u noqda tahriibiyeyaal lacago badan ay ka qaataan qoysaskooda Soomaaliya joogay ayaanan moodayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this