Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo Guddoomiye Abwaan oo taliyeyaal hore kala hadlay amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16507381032883113.jpg?resize=396%Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Muqdisho kula shiray taliyeyaal hore.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa caawa Muqdisho kula kulmay taliyeyaashii hore ee ciidammada kala duwan ee dowladda federaalka.

Barta Facebook ee Baarlamaanka Puntland ayaa lagu daabacay in Madaxweynaha Puntland iyo Guddoonka Baarlamaanka Puntland kala shireen taliyeyaashii hore xaaladda amniga ee Muqdisho.

Baarlamaanka Puntland ayaa qoray in “kulanka diiradda lagu saaray xaaladda amaan ee Muqdisho waqtigan kala guurka ah”.

Shirkan wuxuu dhacay maalin kaddib markii qaar ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda Puntland ay ka badbaadeen weerar qorsheysan oo Al-shabaab ku soo qaadeen goobtii ay ku afurayeen.

20220423_213149.jpg?resize=394%2C716&ssl

© Puntland Post, 2022

The post Madaxweyne Deni iyo Guddoomiye Abwaan oo taliyeyaal hore kala hadlay amniga Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this