Sign in to follow this  
Deeq A.

USA: Falastiini $30,000 doollar ugu deeqay dib u dhiska suuqa Waaheen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Minnesota)- Ganacsade Palestininan-American ah oo lagu magacaabo Bassim Sabri, ayaa lacag dhan 30,000 dollar ugu deeqay taakuleynta suuqa Waaheen ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa oo ku burburay dab weyn oo sidoo kalena kumannaan ganacsato ah ku hanti beeleen dhowaan.


Mr Sabri oo ah Falastiini ku nool dalka Maraykanka, ayaa guddiga gurmadka Suuqa Waaheen ee magaaalada Minneapolis, Gobolka Minnesota ee dalkaas guddoonsiiyey jeegga lacagta uu ugu tabarucay dadka ku hanti beelay masiibadaas, waxaanay guddiga uga mahadceliyeen taageeradiisa.


Ganacsadahan ganacsi aad u weyn ku leh yaal suuqa Soomaalida Minneapolis oo la yidhaa Karmel Mall, ayaa sheegay toddobaadkii hore inuu gacan weyn ka geysanayo dib u dhiska suuqa Waaheen iyo kaalmeynta gacansatada ku khasaaray dabkaas.


Dhinaca kale, Soomaalida ku nool Minenapilis, ayaa maalihii la soo dhaafay waday olole qaadhaan ururin ah oo ay kaga qaybqaadanayaan gurmadka masiibadii suuqa Waaheen, iyaga oo ku rajo weyn in taageero muuqata ay ku yeeshaan gurmadka dib u dhiska suuqaas oo ahaa midka ugu weyn suuqyada ganacsiga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this