Sign in to follow this  
Deeq A.

War Cusub:Shaqo Xooluhu qaban jireen oo Hadda Dadkii lagu wareejiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

War Cusub:Shaqo Xooluhu qaban jireen oo Hadda Dadkii lagu wareejiyey

.

Waxaa baraha bulshada si weyn ugu baahay sawirro ku saabsan beeraley ku sugan Koonfurta Itoobiya oo la arkayay iyaga oo dusha loo saaray yaambada garbaha loo saaro dibida ee lagu falo beeraha.

Waxay ku sugnaayeen tuulada Taltalle oo ka tirsan gobolka Booranta Itoobiya, deegaankaan waxaa si weyn u saameysay abaaraha ka taagan gobolka.

Dadka deegaanka waxay sheegayaan in shaqadii xoolaha lagu qaban jiray ay haatan iyagu dusha saaranayaan maadama dibidii ay beeraha ku falan jireen ay ka laaysay abaarta.

Qof ku sugan tuulada Bilee Dandii ee koonfurta Itoobiya ayaa BBC u sheegay inay isku xilqaameen inay is caawiyaan haddii ay yihiin beeraleyda isla markaana aysan heysan xoolo ay ku fashaan beeraha.

“Abaarta jirta darteed waxaa inaga dhintay dhammaan dibiyadeenii, waana sababta aan anaga u qabsaneyno howshii lagu qaban jiray beeraha”

Muuqaalka oo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkayay koox beeraley ah oo dusha loo saaray yaambada.

Macalin wax ka dhiga deegaankaa isla markaana ahaa qofkii soo duubay muuqaalka ayaa sheegay in xaalad noocan ah uusan weligii halkaa ku arkin.

“Muuqaalka ayaan kasoo duubay, weligey ma arag arrin noocan ah, markii aan weydinayay sababta ku khasabtay, waxay igu yiraahdeen, ma heysanno dibida lagu fasho beeraha” ayuu yiri Duba Burra oo macalinka muuqaalka soo qaaday xilli uu ku wajahnaa iskuulkii uu wax ka dhigayay.

“Dadka qaar ayaa xoolahoodii iska iibiyey abaarta darteed, qaarna way dhinteen, ma haystaan ​​wax kale oo aan ahayn tallaabadan” ayuu yiri macalinka.

.

Dhallinyaro abaabulan oo ku sugan halkaas ayaa sheegay inay dedaal xooggan sameynayaan sidii dibida loogu baddali lahaa oo lacag loogu siin lahaa si ay beeraha ugu falaan dadka.

Dhinaca kale, Madaxa xafiiska ee maamulka ayaa sheegay in aanay gka war heyn tirada dadka aan haysanin dibida lagu fasho beeraha waxa uu sheegay in maamulka gobolku ay beeralayda siinayaan abuur iyo bacrimin.

“Waxaan isku dayeynaa inaan bedelno dibida, sababtoo ah waxaa naga dhammaaday xoolihii,” ayuu BBC-da u sheegay mid kamid ah beeraleyda oo lagu magacaabo Tura Boba.

Maalmo ka hor, Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ka digtay in abaaraha ka jira Geeska Afrika ay halis gelin karaan 14-20 milyan oo qof.

Hay’adda ayaa ku qiyaastay in 7.2 milyan oo xoolo ah ay u dhinteen abaarta ka taagan Itoobiya.

Maamulka ayaa sheegay in abaarta oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in ay tahay tii ugu darneyd muddo 40 sano ah ay dalka ku dishay boqolaal kun oo neef oo Lo’ ah.

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa u baahan $239 milyan lixda bilood ee soo socota si ay u taageerto dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool koonfurta Itoobiya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay FAO.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this