Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Xalinta Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Doorashada Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka ayaa sharci darro ku tilmaamay doorashooyinka isbarbar socda ee ka socda magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarreey ee gobalka Gedo.

Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Maxamed Cawil Warsame, ayaa sheegay in doorashooyinkaas ay yihiin kuwa baal marsan heshiiskii doorashada 17 september 2020.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay sidii ay xal waara looga gaari lahaa howlaha doorashada dalka.

Hadalka ka soo yeeray guddiga ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Ceelwaaq maanta lagu soo gabagabeynayo doorashada 16-ka kursi ee gobalka Gedo

GUDDIGA-XALLINTA-1.webp GUDDIGA-XALLINTA-2.webp

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this