Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga xallinta khilaafaadka oo sharci-darro ku tilmaamay kuraasta lagu doortay Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   
2-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal ayaa sharci-darro ku tilmaamay doorashooyinka is barbar soda (Parallel election) ee Garbahaarrey iyo Ceelwaaq.

Qoraal ka soo baxay guddiga xallinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay in labada doorasho ee Garbahaarrey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa baalmarsan heshiisyadii iyo habraacyada loo dejiyay doorashooyinka islamarkaana ay waxba kama jiraan yihiin.

Doorashada ka socota magaalada Garbahaareey waxaa aysan haysan sharciyadda maamulka Jubaland iyo doorkii guddiga SEIT oo meesha ka maqan, halka doorashada Ceelwaag ay khilaafsan tahay qodob aasaasi ah oo ku saabsan asteynta deegaan doorashooyinka sida ku cad Sharciga Jihaynta doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa sidoo kale farriin deg deg ah u diray Madasha Wada-tashiga Qaran ee Arrimaha doorashooyinka oo ay ka dalbadeen in ay soo fara-geliyaan codaynta is barbar socota ee Garbahaarrey iyo Ceelwaaq si loo xalliyo khilaafka kuraasta Gobolka Gedo.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu usoo jeedinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay xal waara u hesho doorashooyinka isbarbaryaacsan ee haatan ka socda magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq taasoo u baahan wada hadal, isqancin iyo tanaasul siyasadeed”

Go’aanka guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa ku soo beegmay xilli maanta lagu wado in la geba-gabeeyo kuraasta Ceelwaaq oo shalay inta badan la doortay.

PUNTLAND POST

The post Guddiga xallinta khilaafaadka oo sharci-darro ku tilmaamay kuraasta lagu doortay Ceelwaaq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this