Deeq A. Posted April 23, 2022 Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa shaaciyay jadwalka Hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku-xigeen. Maanta oo sabti ayaa lagu wadaa in khudbadahooda la dhageysto musharixiinta guddoomiyaha Golaha shacabka, xilli beri la dhageysanayo khudbadaha musharixiinta ku-xigeenka koowaad iyo labaad. Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa xalay loo diray fariimo ku aaddan in ay soo xaadiraan kulanka maanta. “Xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS ayaa maalinta berito ah kulan yeelan doono, Ajendaha kulankooda ayaa ah Hadal-Jeedinta Musharraxiinta u tartamaysa Guddoonka Golaha Shacabka BJFS”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha shacabka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites