Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka Oo Maanta Kulmaya, Akhriso Ajendaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa shaaciyay jadwalka Hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku-xigeen.

Maanta oo sabti ayaa lagu wadaa in khudbadahooda la dhageysto musharixiinta guddoomiyaha Golaha shacabka, xilli beri la dhageysanayo khudbadaha musharixiinta ku-xigeenka koowaad iyo labaad.

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa xalay loo diray fariimo ku aaddan in ay soo xaadiraan kulanka maanta.

“Xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS ayaa maalinta berito ah kulan yeelan doono, Ajendaha kulankooda ayaa ah Hadal-Jeedinta Musharraxiinta u tartamaysa Guddoonka Golaha Shacabka BJFS”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha shacabka.

278575582_303250775318898_13461529325894

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this