Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Taliska booliska oo soo bandhigay xogta qaraxii Liido iyo khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo faahfaahin ka bixiyey qaraxii caawa ka dhacay xeebta Liido ayaa sheegay inuu fuliyey qof naftiisa haligay oo soo xirtay jaakadda qaraxda.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyey dhimashada 3-qof iyo dhaawacyada 8-kale oo ka dhashay qaraxaas, isagoo meesha ka saaray inuu jiray weerar toos ah oo ka dambeeyey qaraxaas.

Afhayeenka booliska ayaa sheegay qofka is-qarxiyey ay u suurta geli weysay inuu gudaha u galo Hotelka, isla markaana uu ku qarxay banaanka Hotelka oo lagu magacaabo Pescatore, kuna yaallaa inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

“Qaraxaas waxaa ku dhintay ilaa seddax qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa sided kale oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka, waxaan bulshada u xaqiijineynaa in goobtii ay hadda tahay mid ammaanka ah,” ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Wuxuu sheeegay in lasoo badbaadiyey dhamaan masuuliyiintii ku sugneyd Hotelka, isagoo aad u amaanay ciidamada ammaanka oo sida uu sheegay fashiliyey qaraxaas oo qofkii isku soo xiray uu doonayey inuu gaaro goob masuuliyiin badan ay ku sugnaayeen.

Ugu yaraan 10 xildhibaan oo beesha Sool clan ka soo jeeda, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo siyaasiyiin uu ku jiro hoggaamiyihii hore ee maamulkii Qaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel oo ka soo wada jeeda beesha Sool clan ayaa ku shirsanaa Hotelka.

Dhanka kale Adeega gurmadka deg dega ah ee Amin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawacyada tiro kale, waxaana weli gudaha Hotelka ka dagaalamaya rag hubeysan, balse booliska ayaa soo bandhigay dhimashada 3 qof, taas oo shaki badan gelisay tirade khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay weerarkaas.

Hoos ka daawo Afhayeenka

The post Daawo: Taliska booliska oo soo bandhigay xogta qaraxii Liido iyo khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this