Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradaha Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Dowlad Goboleed  Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Gobolka Gedo halkaas oo ay ka dhacday doorashada 8 kursi  oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxay gobolka Gedo oo ah deegaan  doorashada labaad ee Jubaland oo loo asteeyay Ceelwaaq.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada iyo maamulka Magaalada Ceelwaaq,  Axmed Madoobe ayaa dhagax dhigay garoonka diyaaraha Ceelwaaq, waxaana uu xusay in dib u dhis lagu samaynayo.
Madaxweynahu wuxuu goob joog ka ahaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this