Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa ka socday hoteelka la weeraray ee Liido, yaase ku sugnaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa caawa Hotelka la weeraray ka socday shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta beesha Sool clan iyo masuuliyiinta ku metesha dowladda federaalka.

Ugu yaraan 10 xildhibaan oo beesha Sool clan ka soo jeeda Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo siyaasiyiin uu ku jiro hoggaamiyihii hore ee maamulkii Qaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel oo ka soo wada jeeda beesha Sool clan ayaa ku shirsanaa Hotelka.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah masuuliyiintaas waxaa lasoo badbaadiyey inta badan dadkii ku shirsanaa Hotelka ee beesha Sool clan ka soo jeeday.

Qarax gaari loo adeegsaday oo lagu dhuftay afaafka hore ee Hotelkaas oo lagu magacaabo Pescatore, ayuu ku bilowday weerarkaan, wuxuuna Hotelkaasi ku yaallaa inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

Adeega gurmadka deg dega ah ee Amin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawacyada tiro kale, waxaana weli gudaha Hotelka ka dagaalamaya rag hubeysan.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaan waxaa ka mid ah Taliyaha ciidanka birmadka ee booliska Soomaaliya Jeneraal Siyaad, waxaana weli socda dadaalo lagu badbaadinayo dadka gudaha ku jira, maadaama ay rag hubeysan ka dagaalamayaan.

The post Xog: Maxaa ka socday hoteelka la weeraray ee Liido, yaase ku sugnaa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this