Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno laga soo doortay Puntland oo lagu weeraray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16506516767115717-1.jpg?resize=72Xildhibaannada labada aqal ee Sool iyo Cayn

Qaar ka mid ah xildhibaannada laga soo doortay Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa caawa lagu weeraray maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada labada aqal ee ka soo jeeda gobollada Sool iyo Cayn iyo mas’uuliyiin uu ka kid yahay Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar oo shir ku lahaa maqaayad lagu magacaabo Pescatore Sea ayaa qarax lagu weeraray.

Xildhibaan Cabdi Qowdhan oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta halkaas ku sugnaa ayaa xaqiijiyay in ay ka badbaadeen weerarkaas, wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Alxamdulilaah waa nabadqabnaa Eebe hana amaansado”.

Dhanka kale warar madax bannaan waxay sheegayaan in weerarkaas uu khasaare ka soo gaaray ilaaladii mas’uuliyiinta halkaas ku sugnaa iyo dad kale oo goobta joogay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan laga dareemayay ololaha doorashada guddoonnada labada aqal ee Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha, iyadoo ammaankuna yahay mid aan la isku halayn karin.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanno laga soo doortay Puntland oo lagu weeraray Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this