Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow masjidka Al-Aqsa ee ay ciidamada Israa’iil xoogga ku galeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka ogow masjidka Al-Aqsa ee ay ciidamada Israa’iil xoogga ku galeen

Misaajidka Al-aqsa
Misaajidka Al-aqsa

Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqday Israa’iil inay soo afjarto dadka Yuhuudda ah ee ku tukanaya gudaha masjidka Al-Aqsa oo ah meesha saddexaad ee ugu barakeysan ee ku taalla Bariga Qudus, waxayna ka digtay inay tan dhaawaceyso dareenka Muslimiinta ayna horseedi karto isku dhac dheeraad ah, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxay sheegeen, in iyadoo Israa’iil ay Muslimiinta u diidday inay ku cibaadeystaan magaalada qaddiimiga ah ee Bariga Qudus, haddana dadka Yahuudda ah ay u oggolaatay in iyagoo la ilaalinayo ay galaan masjidka.

“Dalabaadkeennu wuu cad yahay waana in Al-Aqsa iyo Xaram Al Sharif ay yihiin meelo u gaar ah cibaadada Muslimiinta,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Urdun, Ayman Al-Safadi.

Waxay shir magaalada Cammaan ku wada galeen madaxa Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit.

Gheit ayaa sheegay in Israa’iil ay meel uga dhacayso siyaasadda qarniyaal jirsatay ee ah in dadka aan Muslimiinta ahayn ay geli karaan gudaha Masjidka Al-Aqsa, oo ah meesha saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka marka laga yimaado Maka iyo Madiina, balse aysan ku cibaadeysna karin halkaas.

Hoggaamiyeyaasha Israa’iil ayaa sheegay inay hubinayaan xorriyadda cibaadeysiga ee magaalada Qudus.

Masjidka Al-Aqsa wuxuu udub dhexaad u yahay dagaalka mudda ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiin. Xiisadda ayaa sanadkan cirka isku si shareertay, waxaana isku soo beegmay bisha barakeysan ee Ramadaan iyo dabaaldegga sanadlaha ah ee Yahuudda.

1: Muxuu muhiim u yahay misaajidka Al-Aqsa?

Al-Aqsa waa magaca “qeybta sare ee qalinka ah” wuxuuna masaajidka ku yaallaa dhul ka kooban 35-hektar, Muslimiinta waxay u yaqaannaan masjidu al-Xaram al-Sharif, halka Yahuuddana ay u garanayaan Macbad.

Waxaa sidoo kale hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay goob dhaqan iyo hiddo leh oo muhiim ah.

Goobta uu misaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sannaddii 1967 xilligaas oo Israa’iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada.

A Palestinian protester jumps over a burning barricade near the West Bank city of Ramallah. Photo: 9 May 2021
Xiisadda sii kordheysa ayaa horseedday baaqyo caalami ah oo nabadeed

Balse khilaafka ka taagan goobtan barakeysan ayaa muddo dheer soo jiray xitaa ka hor inta aan la asaasin Israa’iil.

Sanadkii 1947, Qaramada Midoobey ayaa soo saartay qaraar lagu kala goynayay Falastiin oo markaasi hoos imaanaysay gumeystihii Ingiriiska.

Qorshahaas ayaa soo jeediyay in Falastiin laba dal laga dhigo, oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin.

Israa’iil ayaa la siiyay boqolkiiba 55% halka 45% hartay la siiyay Falastiiniyiinta.

Magaalada Qudus oo ah goobta uu ku yaallo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa waxaa gacanta ku haysay beesha caalamka waxaana maamulaysay Qaramada Midoobey.

Waxaa meeqamkaas loo siiyay muhimadda diimeed ee ay leedahay magaalada.

Dagaalkii cCarabta iyo Israa’iil ayaa qarxay sanadkii 1948 ka dib markii Israa’iil ay ku dhawaaqeen in ay dal yihiin isla markaana ay qabsadeen 78% dhulkaasi intii hartayna oo kala ah Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Gaza waxay hoos imanayeen Masar iyo Urdun.

Israa’iil ayaa xoojisay boobka dhulkaasi sannadkii 1967, ka dib dagaalkii labaad ee Carabta iyo Israa’iil markaasi oo ay isku sii fidisay Bariga Qudus iyo waliba la wareegidda magaalada Qudus guud ahaan.

Muddo sanado ah, Israa’iil waxay qaadaysay tallaabooyin ay gacanta ugu dhigayso qeybta qadiimiga ah ee magaalada Qudus guud ahaan.

Sanadkii 1980, Israa’iil waxay ansixisay sharci lagu qeexay in magaalada Qudus ay tahay mid “gabi ahaanteedaba mideysan” ayna tahay caasimadda Israa’iill taasi oo ah mid jabinaysay shuruucda caalamiga ah.

Illaa maanta ma jiro dal Israa’iil u aqoonsan in ay Qudus leedahay, marka laga reebo Mareykanka oo madaxweynihii hore, Donald Trump uu u raray safaaradda dalkaas.

Dadka Falastiiniyiinta ee ku nool magaalada Qudus oo ay tiradooda gaareyso 400,000, waxay leeyihiin xuquuq dagganaashiyo ah isla markana looma aqoonsana inay muwaadiniin u dhashay yihiin.

Tan iyo sanadkii 1967, Israa’iil waxa ay wadday musaafurinta dadka Falastiiniyiinta magaalada Qudus waxayna ku haysay cadaadis.

Israa’iil sidoo kale waxay Qudus ka dhistay dhismooyin ay Qaramada Midoobey ku tilmaantay sharci darro a oo ay ku nool yihiin 200,000 oo Yahuud ah.

 

.
.

2. Muhiimadda dhanka diinta ee dhismaha Al-Aqsa

Dadka Musliminta ah wuxuu Misaajidka Al-Aaqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta saddexaad ee barakeysan.

Masjidka Al-Aqsa wuxuu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Makah.

Qaabkan casriyeynta dhismahan oo qarnigii 7-aad la sameeyay waxa ay Muslimiinta u rumeysan yihiin in Beytul Maqdis ay ahayd goobtii laga dheelmiyay Nabi Maxamed NNKH.

Dadka Yahuudda ah ayaa dhankooda aaminsan in dhismahani uu yahay goobtii mar uu ku yaallay Macbadkii Yahuudda, balse sharciga Yahuudda ayaa mamnuucaya in halkaasi la galo oo lagu cibaadeysto iyaga oo u arkaa goob barakeysan oo aan la gali karin.

Darbiga ku yaalla dhanka galbeed ee masjidka oo ay Yahuudda u yaqaannaan Gidaarta Baroorta, ayaa la rumaysan yahay in uu yahya darbigii ka haray Macbadkii Yahuudda.

Balse Muslimiinta ayaa aaminsan in darbigaas yahay Gidaarka Al-Burqa oo ah goobtii uu Nabi Muxamed (SCW) uu ku xirtay faraskii Bureeqa markii uu samada aadayay uuna Alle la soo hadlay.

Sanadkii 2017 ayay ahayd markii uu madaxwayne Trump sheegay in magaalada Qudus uu u aqoonsanayo caasimadda Israa’iil taas oo dalal badan oo Muslimiin ah ay ka soo horjeesteen.

3. Marxaladihii uu soo maray muranka

Sanadkii 1967, Urdun iyo Israa’iil waxay ku heshiiyeen in hay’ad Muslimiinta ka socota ay maamusho gudaha iyo dhismaha masjidka, halka Israa’iil ay maamulayso ammaanka dibadda dhismaha masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Dadka aan Muslimiinta ahayn ayaa loo oggol yahay in ay goobta booqdaan saacado gaar ah, balse looma oggola in ay halkaasi ku cibaadeystaan.

Balse ururrada u ololeynaya macbadyada Yahuudda sida ururka Temple Mount Faithful iyo machadka the Temple Institute, waxay cadaadis ku hayeen dowladda Israa’iil in ay dadka Yahuudda u oggolaato inay galaan gudaha dhismaha iyaga oo doonaya in halkaasi macbad saddexaad laga dhiso.

Sanadkii 2000, raii’sul wasaarihii Israa’iil Ariel Sharon ayaa galay goobta uu ku yaallo misaajidka barakeysan ee Al-aqsa isaga oo ay la socdeen 1,000 askari oo booliiska Israa’iil ka tirsan.

In uu Sharon galay goobtaasi barakeysan waxaa ka dhashay kacdoonkii labaad oo ay ku dhinteen in ka badan 3,000 oo falastiiniyiin ah iyo 1,000 Israa’iiliyiin ah.

Israa’iil ayaa xannibaado kala duwan ku soo rogtay galidda misaajidka taasi oo ay ka mid tahay gidaarka sanadkii 2000 lagu kala gooyay halkaasi, taasi oo Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ka hor istaagaya in dhismaha ay galaan.

Dadka Falastiinyinta ee ka badan saddex milyan ee ku nool Daanta Galbeed waxaa loo oggolaaday in dadka ka wayn 40 sano ay ku tukadaan maalinta Jimcaha ah, halka kuwa kale ay ku adkaato in ay fasax ka helaan maamulka Israa’iil.

Dad sii galaya Masaajidka barakeysan ee Al-aqsa
Dad sii galaya Masaajidka barakeysan ee Al-aqsa

4. Duruufaha ku xeeran

Misaajidka barakeysan ee Al-Aqsa waa goob yar oo ku taallla gudaha Falastiin, balse waa goobta udub dhaxaadka u ah muranka u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Inkastoo ay goobtan muhimad wayn ugu fadhido Musliminta hadana dadka Falastiiniyiinta ee haysta diinta masiixiga waxay ka soo horjeedsadeen qabsashada Israa’iil.

Magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa ah goob sidoo kale ay muhim u arkaan dadka Yahuuda ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this