Deeq A. Posted April 22, 2022 Doorasho saaka ka dhacday Ceelwaaq, oo ah deegaan doorashada 2-aad ee Jubbaland waxaa lagu doortay ilaa sideed xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabaka ee baarlamaanka 11-aad. Xildhibaannada ayaa kala ah: Cabdullahi Abukar Xaaji ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#119, #HOP116, waxaa heshay Xildhibaan Aamino Xuseen Cali, #HOP091 Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Cabdi, #HOP116 waxaa ku guuleysatay Xildhibaan Duniyo Cismaan Yuusuf, #HOP216 waxaa kusoo baxay Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar, #HOP102 waxaa isna helay Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim, #HOP090 waxaa ku guuleystay xildhibaan Maxamed Aadan Macalin iyo #HOP065 oo kusoo baxay Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites