Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Wararkii ugu dambeeyey doorashada Ceelwaaq iyo Guddoomiye Geelle oo gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gudiga Hirgalinta Doorashooyiinka Heer Fedraalka Muuse Geelle Yuusuf oo uu  wehlinayey Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka amniga Jubbaland Jen. Dhuumaal iyo saraakiil kale

Ceelwaaq ayaa maanta waxaa bilaabaneyso doorashada lix ka mid ah 16-ka kursi ee Gobolka Gedo kuwaasoo dhamaantood laga soo wareejiyey degmada Garbahaarey.

Musharixiinta doonaysa inay u tartamaan 11-kii kursi ee dhawaan ay guddiga SEIT shaaciyeen kuwaas oo kamid ah 16-ka kursi ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo ay shahaadada musharaxnimo ku qaadan doonan waxaana lagu wadaa in isla maantaba ay doorashada bilaabato.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu tago Ceelwaaq, waxayna warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in doorashada Kuraastaas ay noqon doonaan kuwa daah furan oo loogu tartamo si ka duwan kuraastii Kismaayo.

Shalay degmada Ceelwaaq waxaa ka degay laba diyaaradood oo siday Ciidamo, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal.

278986379_293694336274588_75397669191592 278991321_293694339607921_15807263868241 278992541_293694469607908_61514894151601 279064901_293694402941248_73095839793795

 

 

 

The post Sawiro: Wararkii ugu dambeeyey doorashada Ceelwaaq iyo Guddoomiye Geelle oo gaaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this