Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo iska fogeysay booqashada Ilhaan Cumar ee Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Mareykanka oo war ka so saaray booqashada Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska dalkaas ayaa sheegay in booqashadeeda aysa ahayn mid rasmi ah oo uu wax ka ogyahay.

Mid ka mid ah la taliyeyaasha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, Derek Sholet, ayaa yiri, “Tani waa booqashdeeda aan rasmiga ahayn. Marka la eego isbeddelka ku yimid siyaasadda dowladda Mareykanka, booqashadeedu wax shaqo ah kuma lahan siyaasaddeenna midna.”

Goor sii horreysay shalay, dowladda Hindiya ayaa cambaareysay booqashada Ilhaan Cumar ee shan maalmood ay ku joogeyso Pakistan.

Hindiya ayaa sheegtay in booqashadeeda ay carqaladeyneyso madax bannaanida dalkaas. Waxay sidoo kale booqashada Ilhaan ku tilmaantay mid maangaabnimo siyaasadeed ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya, Arindam Bagchi ayaa yiri, “Waxay booqatay qeybo ka mid ah Jammu iyo Kashmir oo a haatan si sharci darro ah ku heysato Pakistan. Haddii siyaasi walba uu doonayo inuu ku dhaqmo siyaasaddiisa maangaabnimada leh, waa shaqo u taalla.” Balse waxay carqalad ku tahay sumcadda geyigeenna.”

Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa booqasho ku tagtay gobolka Kashmir, qaybta ay Pakistan ka maamusho. Laakiin arrintan ayaa qabsatay warbaahinta kaddib markii ay cadho ka muujisay dowladda Hindiya.

Tan iyo markii uu soo baxay warka ku saabsan in Ilhaan Cumar ay booqanayso Kashmir, qaar ka mid ah shacabka reer Hindiya ayaa arrintaas walaac uga muujiyay baraha bulshada.

Qof ka mid ah dadka ka fal celinayay ayaa yidhi: “Siyaasiyiinta wax kala qaybiya ee sida Ilhaan Cumar ah waa in laga hor istaago inay tagaan meelaha xasaasiga ah ee Kashmir. Waxay kasoo hor jeeddaa Hindiya xaqna uma laha in ay xubin kasii ahaato Congress-ka Mareykanka.”

The post Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo iska fogeysay booqashada Ilhaan Cumar ee Pakistan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this