Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdullaahi Carab oo kusoo baxay kursigii ugu horeeyey ee doorashada Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ku doortay Kurisgii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.

Kursiga Hop#119 ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay musharixii kale ee la tartami lahaa kaas oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Wasiir Cabdullaahi ayaa wuxuu saaxiib dhow la yahay Ra’isulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Goobta doorashada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf kuxigeenkiisa Mowliid Mataan & Masuuliyiin katirsan dowlad Goboleedka Jubbland.

Waxaa bilaabatay doorashada kuraasta kale ee taala Ceelwaaq, iyadoo Maanta lagu wado in lasoo gabagabeeyo doorashada 11 Kursi oo kamid ah 16-ka Kursi ee loo soo wareejiyey Ceelwaaq.

carab.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 doorashada-1-696x464-1.jpg?resize=696%2C

The post Cabdullaahi Carab oo kusoo baxay kursigii ugu horeeyey ee doorashada Ceelwaaq appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this