Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku guulaystay kursigii ugu horeeye Ceelwaaq lagu doortay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga heer Jubaland ee SEIT iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa magaalada Ceelwaaq ka bilaabay Doorashada 16-kii kursi.

Kursigii ugu horeeyay ee doorashadiisa ay ka dhacdo degmada Ceelwaaq ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Cabdullaahi Abukar Xaaji iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Musharax Xildhibaan Cabdicasiid Cabdullaahi Ibraahim ayaa u tanaasulay musharixii kale ee kula loolamayay kursigaas tirsigiisu yahay Hop#119.

Cabdullaahi Abukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaystay Kursiga sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka FEIT.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku guulaystay kursigii ugu horeeye Ceelwaaq lagu doortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this