Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Kuraasta loo wareejiyay Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   
1-11.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wareegto uu soo saaray waxba kama jiraan ku tilmaamay Doorashada ka socota degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wareegtada Farmaajo ayaa lagu sheegay in Doorashada 16-ka kursi ee Ceelwaaq low areejiyay ay tahay mid baal-marsan Heshiiskii Arrimaha Doorashooyinka ee 17-kii September islamarkaana ay waxba kama jiraan tahay.

Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Wuxuu sheegay in Xildhibaannada ku soo baxa Doorashada Ceelwaaq aysan ka qayb noqon karin Doorashooyinka Guddoonka labada Aqal iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen”

Wareegtada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmatay xilli Maanta degmada Ceelwaaq ay ka socoto Doorashada 16-kii Kursi ee laga wareejiyay magaalada Garbahaarrey.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Kuraasta loo wareejiyay Ceelwaaq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this