Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrimaha shakiga galinaya ‘khilaafka cusub’ ee SACIID DDENI iyo Axmed Karaash

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay qoraal uu soo saaray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, kaasi oo uu ku sheegay in uu xilkii u sareeyay ee Puntland kala wareegay madaxweyne Deni oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Axmed Karaash ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu go’aankan qaatay “si aanu dalku u gelin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.”

Waxa kale oo ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Muqdisho ugu sugan ololaha doorashadiisa madaxtinimada Soomaaliya inuu gudan waayay waajibaadkii dastuurka farayay.

Caasimada Online oo si dhow ula socotay arrintaan ayaa waxay aragtay dhowr arrimood oo shaki weyn gelinaya sax ahaanshaha khilaafka ka dhex qarxay Deni iyo Karaash, taasi oo loo badinayo in laga leeyahay ujeedo siyaasadeed.

Tan iyo markii uu go’aankaas ku dhawaaqay Axmed Karaash illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xafiiskiisa warbaahinta.

Bogga rasmiga ee Facebook ay ku leedahay Madaxtooyada Puntland oo sida la fahamsan yahay ay gacanta ku hayaan howl-wadeenada warbaahinta ee xafiiska madaxweyne Deni ayaa lasoo dhigay kulankii u dambeeyay ee Karaash u la qaatay Golaha Wasiirada.

Qoraalka Bogga Madaxtooyada Puntland lasoo dhigay ayaa waxa lagu yiri “Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,” taasi oo iftiiminaysa in wax walba sidoodii hore yihiin.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Waxa uu Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada, oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, xaalada Dekedda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl iyo qodobo kale.”

Axmed Karaash ayaa xaq dastuuri ah u leh in uu shir-guddoomiyo shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada Puntland marka uu Deni ka maqan yahay Puntland, sidoo kale waxa uu Dastuurku siinaya socodsiinta howlaha dowladda inta uu Saciid Deni soo laabanayo.

Dhinaca kale, Falan-qeeyayaasha Siyaasadda qaarkood ayaa noo sheegay in arrintaan ay tahay mid uu Saciid Deni meesha uga saarayo isku-dayo markii hore la rabay in gebi ahaanba looga qaado xilkiisa Puntland, maadama uu isku soo tagay xilka u sareeya ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay ku doodayaan in Axmed Karaash uu hore garab istaag buuxa ugu muujiyey Deni, isaga oo xataa ku baaqay in Mas’uuliyiinta iyo bulshada reer Puntland ay garab istaagan qorshaha uu Madaxweyne Deni ku rabo xilka u sareeya ee dalka.

“Waan soo dhoweynayaa ku dhawaaqida musharaxnimada Madaxweyne Deni ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya, waa in xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Puntland ay taageeraan Madaxweyne Deni,” ayuu Karaash ku yiri qoraal uu soo saaray daba-yaaqada bishii hore ee March.

The post Arrimaha shakiga galinaya ‘khilaafka cusub’ ee SACIID DDENI iyo Axmed Karaash appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this