Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ka tirsan Puntland oo ku dhaawacmay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Koomaad.jpg?resize=720%2C404&ssl=1

Iska hor-imaad hubaysan ayaa fiidnimadii caawa magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Ciidamo waardiye ka hayay guriga Nabaddoon Yaasiin Cabdi Samad oo uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.

Wararku waxay sheegayaan in is Rasaasayn dhexmartay labada dhinac uu dhaawac culus ka soo gaaray Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad).

Labada dhinac ee iska hor-maadku dhexmaray oo aan isku daynay in aan xiriiro la samayno nooma suurta-gelin waxaana weli raadinaynaa in aan xog dheeriya ka helno dhacdadaas.

PUNTLAND POST

The post Taliye ka tirsan Puntland oo ku dhaawacmay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this