Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo war ka soo saartay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
sanyare.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa war ka soo saaray iska hor-imaad khasaare gaystay oo caawa ka dhacay Gaalkacyo.

” Waxaan ka xumahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo,  Waxaan alle naxariistii jano uga baryayaa askarigii  ku geeriyooday Falkaasi sidoo kale Waxaan Caafimaad taama urajaynayaa iyo in alle ubooga dhayo Saraakiishii, Shacabkii iyo Askartii ku dhaawacantay Falkasi” ayuu yiri Sanyare.

Guddoomiyaha ayaa dhacdadaas ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku sugnaa Guriga Iska hor-imaadku ka dhacay.

“Waxaan rabaa inaan ucadeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii dhacay caawa masuuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdisiciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo uyimid ka mira dhalinta siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo”

PUNTLAND POS

The post Puntland oo war ka soo saartay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this