Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo looga yeeray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   
Petrol-Minister-640x427-1.jpg?resize=640

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa u yeeray Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed si wax looga weydiiyo Heshiis Shidaal oo uu la galay Shirkado Shisheeye.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Batroolka Soomaaliya uu saxiixay Heshiis Sharci-darro ah oo la xiriir Arrimaha Shidaalka islamarkaana uu la galay Shirkad Shisheeye.

Xeer Ilaaliyaha ayaa Wasiirka ku wargeliyay in uu Xafiiiska Xeer Ilaalinta Yimaado Maalinta Isniinta ah ee soo socota si wax looga weydiiyo Heshiiska uu saxiixay ee dhexmaray Wasaaradda iyo Shirkadda Shisheeye.

Warqad.jpg?resize=1000%2C1290&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo looga yeeray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this