Sign in to follow this  
Deeq A.

Sareeda oo ku guuleysatay doorashadii ku celiska aheyd ee Hop154 + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursiga HOP#154 ee Golaha Shacabka, kaas oo uu horey u celiyey guddiga FEIT oo shaaciyey in aan loo marin habraac sax ah.

Kursigan ayaa waxaa isku soo taagay Sareeda Maxamed Cabdalla oo horey ugu soo baxday iyo musharrax Nasteexo Maxamed Yuusuf oo tanaasushay, ka hor tartanka.

Xildhibaan Sareeda ayaa loo qaaday cod gacan taag ah, waxaana ay heshay dhammaan codadka ergada, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sababihii dib loogu celiyey kursigaasi waxaa ka mid ahaa in guddiga doorashooyinka heer federaal uu ku dhawaaqay in kursigaan ay waxba kama jiraan tahay natiijada kasoo baxday, kadib markii uu guddiga sheegay in gabadha la tartantay Sareeda aysan soo buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020-kii.

Doorashada maanta ka dhigan in Sareeda Maxamed Cabdalla ay ka gudubtay doodii horey u hareysay kursigeeda, maadaama dib loogu noqday, kadibna ay markale kusoo baxday.

Koonfur Galbeed ayaa horey u dhammeystirat doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ee maamulkaasi.

Si kastaba, muranka ka dhashay kursigan ayaa khilaaf ka dhex-dhaliyey Koonfur Galbed, FEIT iyo ra’iisul wasaare Rooble, walow mar dambe arrintan xal waara laga gaaray.

278586899_1051971642133514_3331365211173 278384264_1051971638800181_4059453799217 278574140_1051971648800180_3784693218025

The post Sareeda oo ku guuleysatay doorashadii ku celiska aheyd ee Hop154 + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this