Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Sareedo oo ku guuleysatay doorshadii ku celiska aheyd ee Hop154

Recommended Posts

Deeq A.   
03cc0000-0aff-0242-2d05-08da2364ebe3_cx0

Xildhibaan Sareedo Mohamed Abdalla ayaa ku guuleysatay doorashada ku celiska aheyd ee kursiga Hop154, kaddib markii ay u tanaasushay Nasteexo Maxamed Yuusuf oo ku Tartamaya kursigan, waxaan qaab gacan taag ah ku ansixiyay ergada doorashada kursigan.

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal ayaa hore u go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada kursigan, iyaga oo sheegay in habraacii loo maray aanu waafaqsaneyn heshiiska doorashada, wuxuuna ka mid ah saddex kursi oo laga soo doortay Koofur Galbeed oo dib loo celiyay, inkasta oo toddobaadkii hore ay FEIT fasaxday laba mid ah kuraastaas.

Xildhibaan Sareedo iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa marii hore diiday in doorashada kursigan loo maray hannaan baal marsan habraaca doorashada, iyadoo Sareedo ay sheegtay in musharraxii la tartamay uu buuxiyay shuruudaha doorashada.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan Sareedo oo ku guuleysatay doorshadii ku celiska aheyd ee Hop154 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this