Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo tijaabiyey gantaal cusub oo xambaari kara Hubka Nukliyeerka

Recommended Posts

Deeq A.   
10a9dac5-1199-481a-a56a-f2f01b8489bc_w10

Saraakiisha Milateriga dowladda Ruushka ayaa laga soo xigtay in ay markii u horraysay tijaabiyeen gantaal cusub oo qaaradaha isaga kala gudba.

 Hubkaas ayaa Ruushku ku sheegay in uu ka dhigi doono wadamada reer Galbeedku kuwa si qoto dheer u fikiraan ka hor inta aysan qaadin damacyo gardarro ah oo ka dhan ah Ruushka.

Tijaabada gantaalka Sarmat ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Moscow iyo wadamada reer galbeedka ee ku aaddan duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine.

Sarmat waa gantaal culus oo hawshiisu ay soo socotay dhawrkii sano ee u dambeeyey wuxuuna ka mid yahay gantaallada xambaara hubka nukliyeerka ee sida fudud isaga kala gudbi kara qaaradaha.

PUNTLAND POST

The post Ruushka oo tijaabiyey gantaal cusub oo xambaari kara Hubka Nukliyeerka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this