Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaalka cusub ee Ilhaan Cumar ee dhaliyay hadal heynta diinta Islaamka & Mareykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muuqaalka cusub ee Ilhaan Cumar ee dhaliyay hadal heynta diinta Islaamka & Mareykanka?

Ilhaan Cmar

Waxaa baraha bulshada Mareykanka aad la iskula dhex marayay muuqaal cusub oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Muuqaalkan oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayaa waxaa markiisii hore soo wadaagay aasaasaha kaniisadda Kingdom Realm Ministries, Jack Jensz Jr, waxaana ka muuqda dad badan oo midkood uu kaban tumayo, oo ku heeysaya ducada Masiixiga iyadoo diyaaraddu ay hawada ku jirto 30,000 oo fiit.

Dadka diyaaradda saaran qaarkood oo aan ducadaas ka qeyb gelin ayaa u muuqday kuwo aan ku faraxsaneyn, halka kuwo kalena ay la soo baxeen taleefankooda iyagoo duubanaya.

Muuqaalka Ilhaan ayaa waxaa daawaday tobanaan malaayiin qof, iyadoo dib loo wadaagay in ka badan 15,000 oo jeer. 

I think my family and I should have a prayer session next time I am on a plane. How do you think it will end? pic.twitter.com/5696Erwsl5

— Ilhan Omar (@IlhanMN) April 17, 2022

Sidee looga falceliyay?

Dadka qaar ee faallada ka dhiibanayay muuqaalka ayaa qaarkood cambaareeyay muuqaalka, iyagoo sheegay inay khalad tahay in dadka diyaaradda saaran lagu qasbo inay ducadaas ka qeyb galaan.

Qaar kale ayaa is weydiinayay sababta dadka diyaaradda saaran aysan u xirneyn af-xirka, inkastoo dhowaan xaakim heer federaal ah uu joojiyay amarkii dhowaan shirkadaha gaadiidka Mareykanka ay soo rogeen ee qasab ka dhigayay in af-xirka lagu xirto gudaha diyaaradaha, gawaarida dadweynaha iyo tareennada.

“Bal malee waxaad kortay diyaarad waxadana ku qasbanaatay inaad tan dhegeysato,” ayuu ku jawaabay mid ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka.

“Waxay sidan u sameeyeen iyagoo og inay dadka ka careysiin doonto. Haddii uusan qofna ka caban waxay taageerayaashooda ku oran doonaan ‘dadku way jecleysteen markii aad Alle u istaagteen,’ haddiii aysan si wanaagsan u soconna waxay oran lahaayeen ‘eeg sida ay dadku u neceb yihiin Masiixiyadda, waxaanu u baahannahay inaan Alle u istaagno,'” ayuu yiri qof kale.

 

Balse arrinta hadal heynta dhalisay ayaa ah hadalka ay Ilhaan ku dul qortay muuqaalka oo u dhigmay in haddii iyada iyo qoyskeeda ay duco ku dhex qabsan lahaayeen gudaha diyaaradda ay falcelintu sidaa ka duwanaan lahayd.

“Waxaan u maleynayaa aniga iyo qoyskeyga inay tahay in marka xiga aan kulan duco qabsanno aniga oo diyaarad saaran. Maxaad u maleyneysaan inay ku dhammaan doonto?”.

Hadalka Ilhaan ayaa waxaa ka dhalatay cambaareyn ka timid dadka, sida laga soo xigtay wargeyska New York Post.

“Maxaad u neceb tahay Kirishtaanka, Ilhaan? Haddii xorriyadda diinta ee aan ku raaxeysaneyno halkan Mareykanka ay ku dhibeyso, xor baad u tahay inaad dib ugu laabato Soomaaliya, Suudaan, amaba meel walbood ka timid. Walaalkaana hore u sii wado,” ayuu yiri ninka u tartamaya xubinta Kongareeska ee gobolka Georgia, Vernon.

Ilhaan Cumar
Ilhaan Cumar iyo seygeeda Tim Mynett

Musharrax kale oo u taagan gobolka Florida, Jose Castillo ayaa ku doday “Mareykanka gudihiisa, Muslimiintu way awoodaan wayna ku tukadaan meelaha dadku isugu yimaado,” isagoo intaas ku daray in haddii Ilhaan “ay doneyso dal aan laga oggoleyn Masiixiga ay dib ugu laabato dalkeeda.”

Cicely Davis, oo iyadu rajeyneysa inay wakiil ka noqoto degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, ayaa sidoo kale ka falcelisay hadalka Ilhaan.

“Qadar – oo ah dal aad taqaanno – aadaanka salaadaha ayaa laga baahiyaa kahor inta aysan diyaaraddu kicin. Meel lagu tukado ayay u qoondeeyeen gudaha diyaaradda waxaana shaashadaha ku dheggan qiblada,” ayay ku soo qortay barteeda Twitter-ka.

Waxay markii dambe ku eedeysay Ilhaan inay neceb tahay “Kirishtaanka & Yahuudda & iyo Muslimiin badan.”

Ilhaan ayaa ka falcelisay faallooyinka qaar ee ka dhashay hadalkeeda.

“Nacayb ka dhan ah Kirishtaanka? waa inaad joojisaan dhan kale u weecinta nin jecleysigiinna,” ayay ugu jawaabtay faallo cambaareyn ahayd. “Dadka diin gaar ah jecleysta sidiinna waxay mar walba u maleeyaan in dadka kale ay isla nacaybkaas ku heystaan qalbiyadooda. Waa Ramadan waana idiin soo duceynayaa dhammaantiin. Ilaah ha nadiifiyo qalbiyadiinna.”

La dagaallanka Islaam nacaybka iyo Ilhaan

Ilhaan Cumar
Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar ayaa hoggaaminaysa koox u ololeyneysa in maamulka Joe Biden uu abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka, taas oo la aasaasay bartamihii sanadkii la soo dhaafay.

Gabadhan ka tirsan xisbiga talada haya ee Dimuqraaddiga, ayaa arrintan la kaashanaysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin.

Ilhaan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka.

Farriin ay xilligaasi soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno.”

“Arrintaas waa in ay qayb ka noqoto dedaalka aan u sameyno raadinta xorriyadda dhinaca diimaha ee caalamka iyo xuquuqda aadanaha.”

“Waxaan aragnaa inuu sare u kacay Islaam naceybka, uuna ka jiro meel walba oo ka mid ah dunida. Taas ayaa ah sababta aan u wadno warqad aan la kaashannay wakiilkeena Schakowsky, annagoo dalbaneyna in la sameeyo xafiis gaar ah oo la tacaala Islaam naceybka.” Ayey soo qortay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this