Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Karaash: Puntland Anigaa madaxweyne ka ah, Deni waa gudan waayey waajibkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Celmi Cumar (Karaash) ayaa caawa ku dhawaaqay inuu xilka madaxweynenimada Puntland la wareegay, kadib markii sida uu sheegay madaxweyne Deni uu waajibaadkiisa gudan waayey. 

Axmed Karaash ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay si aanu dalku u gelin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.

Axmed Karaash ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Muqdisho ugu sugan ololaha doorashadiisa madaxtinimada Soomaaliya inuu gudan waayay waajibaadkii dastuurka farayay.

“Mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland,” ayuu yiri Axmed Karaash.  

HALKAAN KA AKHRISO WARSAXAAAFADEEDKA

Ramadaan Kariim Bulsho waynta Reer Puntland, Eebe haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan.

Anigoo garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne ku-xigeenka.

Anigoo dareensan culayska ay xanbaarsantahay dhaarta Dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan in hawl socodsiinta iyo dardargelinta shaqada hortaal Hay’adaha Dawladda ay tahay masuuliyadda aan u dhaartay.

Anigoo ka duulaya isla markaasna fulinaya awaamiirta ku qeexan qodobada Dastuurka Dawladda Puntland ee kala ah:

Qodobka 2-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad. Qodobka 3-aad, farqaddiisa 2-aad iyo
Qodobka 81-aad, Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan.

Qodobka 2aad (SARRAYNTA SHARCIGA)

Farqadda 1aad: Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.

Farqadda 2-aad: Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga.

QODOBKA 3-aad. Farqaddiisa 2-aad oo u dhigan sidan. “Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed”

Qodobka 81-aad. “Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan;

“ Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan Karin”

Hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.

Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.

Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

The post Axmed Karaash: Puntland Anigaa madaxweyne ka ah, Deni waa gudan waayey waajibkiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this