Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Maanta Ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wasiirrada Beesha Habar-jeclo?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirrada Xukuumaddiisa ee ka soo jeeda Bariga Burco, ayaa la sheegay in ay maanta yeesheen kulan ay kaga wada hadleen arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanayd arrinta Xisbiga Kulmiye.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan oo la xidhiidha waxyaabaha lagaga wada hadlay, hase yeeshee sida warar u dhuun daloola kulankan, ayaa tibaaxay in Kulankan Madaxweynaha iyo Wasiirradani ay kala wada hadleen arrinta Xisbiga Kulmiye oo dhawaan la weriyey in Madaxweynuhu ka dhawaajiyey inuu diyaar u yahay wareejintiisa.

Wasiirradan oo ka hor intii aanay Madaxweynaha u tegi kulan saacado qaatay ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, ayaa la sheegay in ay madaxweynaha ula tegeen mowqif midaysan oo la xidhiidha aragtidooda la xidhiidha mustaqbalka Xisbiga Kulmiye.

Wararku waxa ay intaasi ku dareen in Wasiirradani Madaxweynaha kala hadleen wararka suuqa ku jira ee la xidhiidha inuu wareejinta Xisbiga Kulmiye masuuliyiin ay ku jiraan Guddoomiyaha Guurtida iyo Kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada uu xil saaray in ay ka soo taliyaan cidda lagu wareejinayo Xisbiga Kulmiye.

Xoguhu waxa ay intaasi ku dareen in Madaxweynuhu u sheegay Wasiirrada in Shirka Xisbiga Kulmiye la qaban doono Ramadaanta ka dib, isla markaana loo raaci doono hab-raacyada Xisbigaas u yaala iyo xeerarkiisa.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u sheegay Wasiirradan in arrimaha uu kala hadlay Guddoomiyaha Guurtida iyo kuxigeenka Golaha Wakiillada ay ahayd sidii loo midayn lahaa Siyaasiyiinta Beesha Bariga Burco, si wada jir loogu wajaho arrimaha Kulmiye.

Saleebaan Xasansaxo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this