Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Oo Sheegay In Uu La Wareegay Awooddii Madaxweynaha Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu la wareegay Awooddii Xukuumadda Puntland.

“ Mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.

Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta  Dawladda Puntland” Axmed Karaash.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this