Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya Oo Diiday Qaadista Dacwadii Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ay iska diiday qaadista dacwadda uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ku saabsanayd kursiga HOP086.

Maxkammadda sare waxay aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad.

Go’aanka waxa saxeexay sedexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horena u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii February ee sannadkan magaalada Beledweyne, waxaa se doorashadiisa ku gacan seydhay guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dhigan, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this