Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoggo Rasmiya oo ku saabsan Kulan-Doceed Xildhibaanada Beesha Awal & Habar-jeclo ku dhexmaray Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Xogta rasmiga ah ee Kulankii Xildhibaannada Bariga Burco iyo Kuwa Galbeedka & Waqooyiga Hargeysa
May be an image of 15 people and people standing
 Xogta rasmiga ah ee Kulankii Xildhibaannada Bariga Burco iyo Kuwa Galbeedka & Waqooyiga Hargeysa
Kulan Xasaasi ah ayaa dhex maray xalay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaas oo ka soo kala jeeda Bariga Iyo Galbeedka Hargeysa.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan, hase yeeshee sida warar xogogaal ahi sheegeen Kulankan oo ay marti qaadkiisa lahaayeen Xildhibaannada Bariga Burco, gaar ahaan kuwa la dhacsan Siyaasadda Siyaasiga Maxamuud Xaashi, ayaa waxa labada dhinac kaga wada hadleen arrimo u badan siyaasadda, gaar ahaan arrimaha ka soo kordhay Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Mudaneyaashan, ayaa waxa ay isla soo qaadeen sidii looga wada shaqayn lahaa Mustqabalka Xisbiga Kulmiye, xilli dhawaan Madaxweynaha laga soo xigtay inuu diyaar u yahay wareejinta Hoggaanka Xisbiga Kulmiye.
Qodobka ugu muhiinsan ee lagaga hadlay kulankan ee Xildhibaannada Bariga Burco u soo bandhigeen, una sheegeen dhigooda Mudaneyaasha Galbeedka Hargeysa in haddii Madaxweynuhu ka laba labeeyo qorshaha uu doonayo inuu ku wareejiyo Xisbiga Kulmiye, isla markaana Xubnaha Goleyaasha ee ka soo jeeda Bariga Burco uu ku soo wareejin waayo, in ay go’aan adag ka qaadan doonaan gebi ahaanba Xisbiga Kulmiye.
Kulankan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey ka dib markii uu dhawaan Madaxweynuhu ka dhawaajiyey inuu diyaar u yahay wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye, balse Maxamuud Xaashi oo ah Siyaasi ka mid ah kuwa quudaraynaya in lagu wareejiyo Guddoomiyenimada Kulmiye uu ka shakiyey in Madaxweynaha mowqifkiisii wax ka beddeleen, isla markaana ay ku yimaadeen cadaadisyo kaga yimid dhinaca Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.
Waxa qoray weriye Saleebaan Xaashi “Saleebaan Saxansaxo”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this