Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali Waraabe oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne BIIXI

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe oo la hadleyey warbaahinta ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa, isaga oo u jeediyey eedeymo culus.

Faysal Cali Waraabe oo ah nin aan la gamban hadalka ayaa shaaca ka qaaday, xilli uu ka hadlay casho sharaf uu u sameeyay 12-kii Wariye ee shalay xabsiga laga sii daayay ayaa sheegay in Somaliland ay haatan u baahan tahay in laga bad-baadiyo Muuse Biixi Cabdi.

“Muuse talo haka sugina, in aan ka bad baadno mooyaane haka filina wanaag Muuse,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka uu dhammaado Ramadaan uu qaadi doono tallaabo culus, isla-markaana uusan ogolaan doonin in la burburiyo Somaliland.

“Markay Ramadaantu dhamaato Muuse ama madaxweyne ayuu noqon doonaa ama kursiga ayuu iska soo wareejin doonaa, taladeediina waala galayaa, in Somaliland uu burburiyo shakhsi oon daawano, ka ogolaan mayno” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyey Faysal.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday xorriyada hadalka, isaga oo ku eedeeyey Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa inay ku tunteen fikirka dadweynaha, sida uu hadalka u dhigay,

“Inanka dhalinyar ta ah ee maanta gabya ma aragteen, inan kaasi waxa uu ka waramayaa xaqiiqda maanta taagan ee dhalinyarta haysata, ee qaar tacabireen, qaarna bada isku tuureen,”.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso xiisado siyaasadeed, waxaana si weyn isku haya mucaaradka iyo xukuumadda oo marweliba hadallo kul kulul isku mariya warbaahinta.

The post Faysal Cali Waraabe oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne BIIXI appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this