Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoorqoor oo Muqdisho Soo Gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana siweyn loogu soo dhoweeyay garoonka diraadaha Aadan Cadde.

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, masuuliyiin kala duwan iyo qaar ka  kamid bulshada caasimadda ah ayaa  qeyb ka ahaa soo dhoweynta wadfiga soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku wehliyay safarkiisa guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, xubno ka tirsan goleyaasha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo qeyb ka ahaa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo gaaray Muqdisho iyadoo uu maanta sidoo kale caasimadda uusoo gaaray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, waxaana dhowaan la gali doonaa doorashada guddoonka BJFS.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this